Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Shacabka ku dhaqan Magaalada Qardho Oo Cabsho kamuujiyay lacagaha faraha badan ee laga Qaado Xujayda Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Bulshada ku dhaqan magaalada qardho ee xarunta gobolka kar kaar oo maanta kulan ku yeeshay magaalada qardho ayaa ka hadlay qiimaha laga qaado xujayda soomaaliyeed oo  ah mid aad usareeya.

bulshada ayaa sheegtay in shirkado gaar ah ay u af duubanyihiin arimaha xujayda ayna dadka ka qaadaan lacag cadad keeda lagu sheegay 4 kun  oo doolar ,taas oo ah mid ku adag xujayda soomaaliyeed in ay bixiyaan.

dad badan oo jeclaa in ay xajka tagaan, balse aan haysan lacagtaas laga qaadayo xujayda ayaa sheegay in hadii qiimaha intaasi uu kayaraan lahaa ay ku dhiiran lahaayeen in ay xajiyaan sanadkan.

Dowladda Soomaaliya ayay  codsi gaar ah udireen  shacabka ku dhaqan magaalada qardho gaar ahaan R/wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay ugu baaqeen in uu arintaasi uu dib u eegis ku sameeyo.

Halkan ka dhagayso codka shacabka qardho .

      Codka shacabka qardho

Dhanka kale Wasiirka cadaalada dowladda Puntland Saalax xabiib Jamaac  oo dhawaan ku soo laabtay magaalada garoowe kadib arimo caafimaad oo uu ugu baxay dalka dibadiisa ayaa warbaahinta usheegay in shaqadii ay lahad wasaarada diinta iyo Awqaafta ay lawareegeen shirkado gaar ah ,kuwaas oo lacago farabadan ka qaada xujayda Soomaaliyeed.

Halka ka daawo hadalkii wasiirka cadaalada .

Halkan ka Akhriso khiimaha  laga qaado Xujayda  dalalka ay ka mid yihiin ,Suudaan ,Masar, Nigeria iyo Jabuut

1- Sudaan xujaydooda waxaa laga qaadaa $900

2-Masar waxaa xujaydooda laga qaadaa $ 800

3-Nigeria waxaa xujaydooda laga qaadaa $ 1200

4- Jabuuti waxaa laga qaadaa xujaydooda $ 400

5- Soomaaliya xujaydooda waxaa laga qaadaa $ 3800

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu faqiirsan Afrika, hadana Qiimaha ugubadan waxaa laga qaadaa xujayda soomaaliyeed  marka labar bar dhigo wadamada aan  kor ku soo xusnay .

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this