Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda warfaafinta Puntland oo ka hadashay xuska maalinta Afka hooyo iyo dhaqanka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Warfaafinta dowladda Puntland ayaa galabta xusaysa maalinta caalamiga ahh ee Afka-hooyo oo sannad walba ku beegan 21 febraayo, taasoo ah maalin ku weyn shacuubta Dunida.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasiirka wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali, oo nuqulkiisa uu soo gaaray warsidaha Puntlandi ayaa lagu sheegay inay dowladda Puntland galabta maamuus qaran u sameynayso ahmiyada ay maalintaan leedahay.

Wasaaradda warfaafinta ayaa ku casuumtay warbaahinta madax bannaan iyo warbahainta dowladda inay kasoo qeyb galaan xaflada lagu xusayo maalinta Afk-hooyo.

Maalintaan ayaa ujeedada loo xuso waxay tahay, si kor loogu qaado wacyigelinta Afafka kala duwan ee caalamka iyo ilaalinta dhaqanka, waxaana markii ugu horeysay la shaaciyay November 1999.

Balse , waxaa maalintaan si toos ah loo aqoonsaday sannadkii 2008, kadib shir guud oo ay golaha Qaramada Midoobay isugu yimaadeen.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this