Sign in to follow this  
Deeq A.

R/wasaare Xasan Cali khayre Oo Magacaabay Madaxa Unugga Isku Xirka Deeqaha

Recommended Posts

Deeq A.   

R/wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magacaabay Unugga Isku Xirka Deeqaha ee dowladda Soomaaliya , kaas oo ka shaqeyn doona arrimaha la xiriira Deeqaha.

Xilkan ayaa waxaa loo magacaabay Mudane Maxumed Xuseen Axmed oo ah khabiir in ka Badan 10 sano ka soo shaqeeyay Arimaha Gar-gaarka, isagoona la  soo shaqeeyay inta badan Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Bani’aadanimada sida ku  cad CV-giisa oo aan Noqol kamid ah  helnay.

Unugan  Isku  Xirka Deeqaha (Aid coordination unit- Acu) oo Muddo soo jiray  ayaa u taagan taabba gellinta iyo socod siinta hannaanka fullinta qorshaha Qaranka , waa isku xiraha deeqaha iyo taabba gellinta hannaan ay ku wada hadlaan Soomaaliada iyo deeq bixiya yaasha, kaasoo  ka caawiya Dowladda hannaanka qorshaha Qaranka sida arrimaha xog ururinta iyo loo-jistikada.

Sidoo kale Unugan  Isku  Xirka Deeqaha  waxuu qaban qaabiyaa  shirar kala duwan oo qorshaha Qaranka lagu taabba geliyo sida Hannaanka Wadaagga ee Soomaaliya ( Somalia Partnership Forum) ,Sanduuqa dib u diska Soomaaliya ( SDRF) iyo Shirarka Tiirarka (Pillars)

Uga dambeyn Unugan  Isku  Xirka Deeqaha ayaa Sidoo kale Dawladda waxuu ka caawiya  isku xirka hay’adda dawladda & maamul  goboleedyada, wuxuuna daba galka ku samayn doonaa  Deeqaha  la soo gaarsiiso Soomaaliya ( aid  mapping Exercise)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this