Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka PSF oo dilay dhagar qabayaal katirsan argigixisada kuwa kalena gacanta ku dhigay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay maanta 20 February, 2018 hawlgal dagaal oo qorshaysan oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka fuliyeen Buuraleyda deegaanada Dhadhaabo iyo Ceeldibir ee Buuraha Cal Madow,Puntland, Soomaaliya.

Intii hawlgalkani socday, waxay ciidanka PSF dileen 3 xubnood oo ka tirsan cadowga Al Shabaab , tiro kale oo intaa ka badana waxay gaarsiiyeen dhaawacyo.

Dhanka kale, ciidanka PSF waxay gacanta ku soo dhigeen 2 maxbuus oo ka tirsan ururka argagixisada Al Shabaab, kuwaas oo loo gudbiyey xabsiyada magaalada Bosaso.

Ciidanka PSF way sii wadi doonaan hawlgallada joogtada ah ee ay kaga hortagayaan falalka argagixisanimo ee kooxaha cadowga ah ee damacoodu yahay in ay geystaan falal argagixisanimo oo ka dhan ah shacabka iyo dawladda Puntland.

28056089_330147047479707_361527493885159 28058648_330147114146367_541646797283394 27973789_330147050813040_802243293709230

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this