Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jiro inay Dowladda la wareegtay qalabkii Idaacada Shabaab?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Warfaafinta dowladda ayaa sheegtay inay la soo wareegtay qalabkii Idaacada Andalus ee Al Shabaab ugu tiilay degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha hoose.

C/raxmaan Iidaan Yoonis oo ah Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Somaliya, ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi ayaa warbaahinta u sheegay in qalabka Idaacaasi lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in hadda ay si buuxda ula wareegeen, islamarkaana ay hadda gacanta ku hayaan.

Wasiirka ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed howlgalkaasi qorsheysanaa oo ay ku burburioyeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose, sida Mubaarak,Awdheegle,Sablaale,Kunturwaarey iyo Tuulooyin kale.

Qalabkii laga soo furtay Idaacadii Al-Shabaab ee ku taalay deegaanka Mubaarak ayaa la soo gaarsiyay magaalada Muqdisho,iyadoo ay gacanta ku hayaan Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya,sida uu xaqiijiyay Mudane C/raxmaan Iidaan siihayaha Wasiirka Warfaafinta.

“Waxaa guul u soo hooyatay Umadda Soomaaliyeed iyo Dowladdooda in Shabaab la gala soo wareegay Idaacadii ay dadka ku marin habaabin jireen,taasina waxaa ku ammaanaan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca dalka iyo bur burinta Al-Shabaab,hadana qalabkaasi waxaa gacanta ku haya laamaha ammaanka Soomaaliya.” Ayuu yiri Wasiir Iidaan Yoonis.

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii kordhiyay bilihii ugu dambeeyey howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab,waxaana howlgaladii ugu dambeeyey ay ka dheceen Gobolada Gedo,Shabeelooyinka iyo Hiiraan,kuwaasi oo Alshabaab looga qabsaday deegaanno badan sida ay sheegeen saraakisha ciidamada xoogga dalka.

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Cali Canood ayaa sheegay in maalmo ka hor ay Burburiyeen Idaacadda Anduluus Laanteeda degaanka Mubaarak.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Maxaa ka jiro inay Dowladda la wareegtay qalabkii Idaacada Shabaab? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this