Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar culus oo ay Al-Shabaab ka fulin rabeyn Magaalada Nairobi oo si la yaab leh u fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Saraakiisha Amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab , kuwaasoo doonaayay in ay weeraraan Gudaha Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Saraakiisha Amniga ayaa intaa ku daray in xubno ka tirsan Al-shabaab kiraysteen Hoteel ku dhegan saldhiga ku yaala Nairobi, islamarkaana ay qorsheeyeen in ay weerar qaadaan.

Kenya waxa ay sheegtay in ay fashilisay weerarkaasi oo la doonayay in lagu qaado Kenya, islamarkaana ciidamada Booliska ay xireen ilaa iyo Shan ruux ka dib markii ciidamada Booliska ay xog u soo gudbiyeen dadka Al-shabaab ah.

Ciidamada Boolisa ayaa sheegay in xireen Cabdi Majiid Aadan 24 Sano jir ah oo gurigiisa laga helay Shan Qori oo AK 47, islamarkaana dhawaan la horkeeni doono Caddaaladda

Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada Booliska ayaa u sheegay Warbaahinta dalka Kenya in sidoo kale ay xireen Saddex xubnood oo kale oo la tuhmaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Weerar culus oo ay Al-Shabaab ka fulin rabeyn Magaalada Nairobi oo si la yaab leh u fashilmay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this