Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabab oo sheegtay in Askari Mareykan ah ku dishay Jubada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Kooxda Al-shabab ayaa shaacisay i ay dishay Askari Mareykan ah, kaddib weerar ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose.

Warbaahinta Xarakada Al-shabaab ayaa baahisay in dagaalka lagu dilay askariga Mareykanka uu ka dhacay inta u dhaxeysay Tuulooyinka Yoontooy iyo Buulo Guduud, isla markaana ay isla dagaalkaasi ku ciidamo tirsan AMISOM markii labada dhinac uu dagaal culus dhex maray maanta.

Al-shabaab waxaa ay sheegtay in dagaal u dhaxeeya Ciidamada Isbaheysanaya iyo kuwa Al-shabaab oo shalay iyo maanta ka socdo Gobolka Jubada hoose gaar ahaan inta u dhaxeysa Buulo Guduud iyo Yoontooy.

Warka ka soo baxay Al-shabaab waxaa intaas lagu daray in Ciidamada labada dhinac ay tan iyo saaka dagaallamayaan iyada oo diyaarado dagaal ay dul heehaabayaan degaankaas.

Saraakiisha u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya,Kenya,Mareykanka iyo kuwa Jubaland ay maalintii labaad kula dagaallamayaan degaanka Buulo Guduud.

Ma jiraan ilo ka madaxbanaan Al-shabaab oo dagaalkaas xaqiijiyay iyada oo duleedka kismaayo uu shalay ka dhacay dagaal.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland iyo Mareykanka oo ku saabsan dagaalka saaka ka dhacay duleedka Kismaayo oo Alshabaab sheegatay inay ku dishay askari Mareykan ah iyo 4 ka tirsan ciidamada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Al-shabab oo sheegtay in Askari Mareykan ah ku dishay Jubada Hoose appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this