Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: 9 caqabadood oo xalintooda laga sugaayo 3-da taliye ciidan ee la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Somaliya ayaa shalay magacaabay  Taliyeyaasha Ciidamada Nabad Suggida Somaliya, Booliska iyo Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliyed.

Taliyaha NISA waxaa loo magacaabay Xuseen Cismaan Xuseen oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka Somalia.

Taliyaha Boolisk Somalia ayaa waxaa loo magacaabay Generaal Bashiir Axmed Maxamed.

Taliyaha Asluubta Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa loo magacaabay.

Seddexdaan Taliye oo dusha laga saaray mas’uuliyad aad u culus ayaa waxaa horyaal caqabado aad u badan oo qaarkood ay xalintooda kusoo fashilmeen Taliyayaashii ka horeeyay.

Inta badan Taliyayaasha horay usoo hayay xilkan ee laga qaaday ayaa u muuqday kuwo danahooda ka fakiraayay, hase ahaatee waxaa kuwaan laga doonayaa inay ka fiirsadaan waxyaabaha xilka looga qaaday kuwii hore.

Haddaba Seddexda Taliye ee lagu magacaabay fadhiga degdega ahaa ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa laga doonayaa xal u helida Caqabadaha soo socda ee cuuryaamiyay maamuladii hore ee xilka laga qaaday:

1-Hirgalinta Hadaf rasmi ah oo lagu xaqiijiyo amniga Somalia, gaar ahaan Gobolka Banaadir.

2-Dib usoo nooleynta sharciyada lagu hagaayay Saraakiisha iyo ciidamada ku guda jira shaqada.

3-Kala sareysiinta dadka lagu liiday qabiilka iyo kuwa Aqoonta leh ee aan la qiimeyn iyo Saraakiisha dulman.

4-Bixinta xuquuqda ciidamada iyo shaqaalaha isku dhigay rasaasta cadowga ee al-Shabaab.

5-Mideynta labada Hay’adood ee NISA iyo Booliska oo wadaaga shaqooyinka amniga.

6-La dagaalanka Saraakiisha ka dhex tirsan Hay;adaha ee saaxiibka u ah Musuqa iyo aafeynta rajada Hay’adaha iyo ciidamadooda.

7-Sameynta sharciyo rasmi ah oo lagu qaato Xuquuqda inta badan ay musuqayeen Taliyayaashii hore.

8-Dajinta istiraatiijiyad sanad leh oo ay ku howlgalayaan Taliyayaasha iyo Saraakiisha ka hoos shaqeysa.

9-Nabadeynta dalka iyo ciribtirka al-Shabaab.

Taliyaha Hay’adda NISA iyo Booliska oo aan horay usoo marin xilal sidaa u weyn ayaa laga doonayaa inay meesha ka saran dhammaan waxyaabaha ay ku weynkaraan xilkooda sida kuwii ka horeeyay.

Geesta kale, waxa ay dadku isha ku hayaan waxqabadka ay yeelan doonaan labada Taliye ee la magacaabay, wallow ay u muuqdaan kuwo aan ka gadmin shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Akhriso: 9 caqabadood oo xalintooda laga sugaayo 3-da taliye ciidan ee la magacaabay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this