Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Beelo lagu heshiisiinayo Degmada Towfiiq iyo Ceel biyood kii degmada oo kooxo Hubaysan ay Soo weerareen

Recommended Posts

Deeq A.   

Wax gadarka iyo cuqaasha degmada Towfiiq ee gobolka mudug ayaa ku howlan dadaalo ay ku dhex dhexaadinayaan beelo dhawaan ku dagaalamay degmada Towfiiq.

Nabadoonada ayaa sheegay in haatan nabadaynta labadaasi beelood ay meel wanaagsan umarayso oo labada dhinacna laysa soo hor fariisiyay si xal looga gaaro waxa ay kala tabanayaan.

dhanka kale wararka naga soo gaaraya degmada Towfiiq ayaa sheegaya in degmada iyo Ceel biyood ku yaalay degmada ay soo weerareen kooxo hubaysan,kuwaas oo iska hor imaad socday mudo  nususaac ah ku dhexmaray ilaalada ceelka iyo malayshiyaadkii soo weeraray kuwaas oo aan ilaa iyo hada lasheegin cida ay yihiin.

Hadaba Nabadoon Siciid Nuur Xirsi oo kamid ah ah Nabadoonada degmada Towfiiq ayaa warbaahinta usheegay in ay kuhowlanaayeen maalmahan daminta colaada beelahasi ,waxaana uu dhanka kale uu faah faahin kabixiyay weerarkii lagu soo qaaday Ceel biyood kuyaalay degmada Towfiiq.

Halkan ka dhagayso Nabadoon Siciid .

 

      Nabadoon-Sicid

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this