Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Puntlandi Oo Warbixin ka diyaariyay Guulaha ay Shacabka Puntland ku gaareen Iskutashiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Shacabka Puntland oo kaashanaya dowladdooda ayaa guulo lataaban karo ka gaaray Barnaamijkii ahaa Puntland iyo shacabkeeda ha is kutashadaan oo uu hal kudhigeeda uu lahaa Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas.

iyadoo laga duulayo hal kudhigaasi Madaxweynaha Puntland ayaa wax yaabihii shacbaka Puntland uqabsoomay waxaa kamid ahaa.

1- Soo dhawayntii iyo Ambabixintii loo sameeyay kumanaan Qoxooti soomaali iyo yamaniyiin isugu jira oo Bosaaso ka soo dagay sandii 2015 kii kuwaas oo ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Yaman iyadoo haatana wali ay soo gaarayaan magaalada Bosaaso dakaasi ka soo cararaya dagaalka ka socda dalka Yaman.

2- Gurmadkii loo sameeyay dadkii ay saamaysay Sunaamidii ku dhufatay qaybo kamid ah gobolada Puntland 2013kii .

3- dhismaha wadada Ceel daahir iyo Ceerigaabo  oo haatan meel gabo gabo ah maraysa ,iyo wadooyinkale oo haantan abaabulkooda dhismo uu socdaan ,oo ay kamid tahay wadada Caluula iyo kala beer.

4- Gurmadkii ay shacabka Puntland ufidiyeen walaalahooda ku waxyeeloobay Qaraxii masiibada ahaa ee Zoobe oo ay Puntland gudigii Qarixii Zoobe ay ku wareejisay lacag cadadkeeda gaaraysa ku dhawaad nus malyan doorlarka Maraykanka ah.

5- Badbaadintii doonidii  ku soo caariday xeebta magaalada Bosaaso 4tii bishan oo ay ukaceen  shacabka, dowladda ,ganacsatada  Culimada , iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka howlaga magalaada Bosaaso,waxaana lagu guulaystay in labad baadiyo mudo sagaal maalmood ah kadib hantidii saarneed doontaasi oo lagu qiyaasay kudhawaad 9 boqol oo kun oo doolar.

Hadaba Warbixin arintaasi ku saabsan  oo uu idiin diyaariyay Warsidaha Puntlandi.com halkan hoos ka dhagayso.

      Warbixinta iskutashiga shacabka Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this