Sign in to follow this  
Jabhad

Al-Nuur school for the blind- celebrating Maalinta Araga Aduunka

Recommended Posts

Jabhad   

dugsi_indhoole.JPG

 

Xaflad si weyn loo soo agaasimay isla markaana lagu maamuusayey 12- October iyo15-october oo ku asteysan maalmaha Araga iyo usha Cad ee Caalamiga ah waxaana halkaas lagu soo bandhigay Bandhig Kitaabadeed ay qoreen dad aan wax arki Karin iyo kuwo kale.

 

Xafladan ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin kala duwan kuwaas oo ku dheeraaday sida ay lagama maarmaan u tahay in la caawiyo dadka araga la’ isla markaana lala qeybsado dareenka Bani’aadanimo ee ka maqan.

kaa23.JPG

 

Waxaa lagu soo bandhigay Kitaabo kala duwan kuwaas oo ku qoran farta Barelka, waxaana mid ka ah qoray Aabe Soomaaliyeed oo wiilkiisa indhoole yahay , waxa uuna halkaasi ak sheegay in uu ugu talo galay buugaasi wiilkiisa maadaama uu yahay ruux ay ka maqan tahay xubin muhiim ah, waxa uuna tibaaxay ka hor inta uusan buugaasi qorin uu isaga bartay fartan.

 

dugsi_indhoole1.JPG

 

 

C/fataax maxamed Daahir oo ah maamule ku xigeenka Dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur oo halkaasi khudbad dheer ka jeediyey ayaa sheegay in dadka Araga la’ aysan aheyn kuwo ka maqan bulshada inteeda kale, waxa uuna sheegay in bulshada ay ka baxayaan marka ay waayaan kaalmooyinka ay u baahan yihiin.

 

C/fataax maxamed Daahir waxa uu ku nuuxnuuxsaday howlaha baaxada leh ee Dugsigaasi uu qabto isaga oo tibaaxay in ay u baahan yihiin kaalmooyin wax ku ool ah si ay howlahooda u sii wataan.

 

Dugisga Alnuur marka aad tagto waxaa ku arkeysaa Caruur aad u fara badan kuwaas oo siyaabo kala duwan ku indho belay waxa ayna ay halkaasi ku bartaan aqoon kala duwan, iyada oo wax lagu baro Farta Bareelka.

 

Hadaba waxaa muhiim ah qof walba in uu allah ku mahdiyo nimcooyinka uu siiyey oo ay ka mid tahay araga, waxaana qof kasta looga baahan yahay in ay kaalmeyso dadkaasi maadaama ay yihiin dad u baahan kaalmo waxna aan qabsan Karin.

 

 

dugsi_indhoole3.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this