Sign in to follow this  
Deeq A.

Advice for Muse Bihi on the Dubai Account Scandal

Recommended Posts

Deeq A.   

Hanti qaran ama hay’ad qaran in ay shakhsiyaad dantooda wataa si gaar ugu tarki falaani, waa mid baal marsan sharciga iyo dastuurka Somaliland iyo ka caalamigaba. Isla markaana ka hor imanaysa qarannimada ay reer Somaliland uga fadhiyaan xukuumadda Muse Bixi. Sidaasi daraaddeed in qaladkaa la saxaana waa mid looga fadhiyo Madaxweynaha Somaliland, golayaasha sharci dejinta, hoggaanka xisbiyada qaranka iyo hay’adaha ay khusayso. Haddii kale waxa loo arkayaa in Madaxweynaha, hoggaanka xisbiyada iyo madaxda golayaasha sharci dejintuba ay qayb ka yihiin boobka hantida qaranka ee loo samaystay shirkaddaasi Dubai laga diiwaan gashaday.

Muse Bixi iyo xukuumaddiisa cusubi waxa ay marba marka ka danbaysa ku joogsanaysaa dhuxul dab ah oo danbas huwan. Taasi waxan u jeedaa hawlaha culayska badan ee sidii boogta kolba midi dillaacayso.

Shalay waxa xal loo raadinayey dagaalka sokeeye ee beelaha bariga ka dhex holcaya, ee aan weli xal loo hayn. Hoos haddii loogu dhaadhacana la leeyahay dawladdii hore ee Siiraanyo ayaa dagaalkaa ka danbeysey amma isku hubaysay. Oday dhaqameedyadii iyo siyaasiyiintii xalka raadin lahaana ay noqdeen kuwo la kala safta amma dabka holcaya xaabada ku sii shida.

Dagaalka u dhexeeya ciidammada Somaliland iyo Puntland ayaa iyaduna ah mid la kowsatay xukuumadda cusub ee Muse Bixi. Taa lafteedana waxa la leeyahay, waa carqalad ay abuureen siyaasiyiintii hore ee dawladdii Siiraanyo. Ujeedkuna uu yahay in lagu jaha-wareeriyo maamulka cusub ee aan weli kursiga sida fiican ugu fadhiisan.

Sicir bararka, nolosha qaaliga noqotay iyo dhaqaala xumada uu Muse Bixi dhaxlay ayaa iyaduna ah mushkilad aan si dhib yar xal loogu heli karin. Mar uu Muuse isku dayey in uu sicir-bararka wax ka qabtana…… gidaarka ayuu ka soo go’ay, oo waxa ka socon weydey talooyin loo keenay, isla markaana xaalka cirka ku sii shareeray.

Arrimahaasi oo dhan waxa iyana ka sii wada daran oo isku fuuqsaday shirkadda Dubai laga furtay, ee haddana lagu sheegay mid dalka faa’iido u leh. Ceebta ugu weyna waxa sameeyey mas’uulyiintii hore ee dawladdii Siilaanyo ee isku qoray in ay yihiin mulkiilayaasha shirkadda ku ah. Ee haddana lagu andacoonayo ama ku adkaysana in ay shirkaddaasi xalaal tahay oo qaranka Somaliland leeyahay. Balse la arkayo in qaranimadii ay dad si privet ah u xalaashadeen, magacoodana ku diiwaan geliyeen shirkaddaasi. Xeer iyo sharci ay cuskadeenna aanu jirin.

Marka uu Wasiirka Arrimaha Dibadda waa Dr. Sacad-e , uu leeyahay waa shirkad qaran, ee uu haddana leeyahay hebel iyo heblaayo ayaan ku sii qorray, waxa ay u eg tahay laba aan is qaban. Waxana ka sii daran sida sharciga baal marsan ee ay shakhiyaadka uu ka midka yahay uuni ay taladaasi u gaadheen. Balse aan golayaashii sharci dejinta la soo marin.

Hanti qaran ama hay’ad qaran in ay shakhsiyaad dantooda wataa si gaar ugu tarki falaani, waa mid baal marsan sharciga iyo dastuurka Somaliland iyo ka caalamigaba. Isla markaana ka hor imanaysa qarannimada ay reer Somaliland uga fadhiyaan xukuumadda Muse Bixi. Sidaasi daraaddeed in qaladkaa la saxaana waa mid looga fadhiyo Madaxweynaha Somaliland, golayaasha sharci dejinta, hoggaanka xisbiyada qaranka iyo hay’adaha ay khusayso. Haddii kale waxa loo arkayaa in Madaxweynaha, hoggaanka xisbiyada iyo madaxda golayaasha sharci dejintuba ay qayb ka yihiin boobka hantida qaranka ee loo samaystay shirkaddaasi Dubai laga diiwaan gashaday.

Isku soo wada duub oo waxa aan shaki ku jirin in Muse Bixi uu dhulka isku dhigayo baahida uu maanta qabo, ee ay ugu horreyso kharash la’aanta uu dhaxlay khasnado faaruq ah iyo dhibaatooyinkaa aan hore u soo sheegnay. Tallaabada uu kaga bixi karaana ay tahay in uu qaato mawqif cad oo uu ka daba tago hantidii qaranka ee la dhacay, si ay dawladdiisu u bad-baaddo. Waayo, mar haddii wasaaradihii, wakaaladihii iyo hay’aadkii dawladdu ay wada fara madhan yihiin, hantidii qarankana la feentay, oo aan waxba lagaga tegin dalkii. Tallaabo kale oo u bannaani ma jirto.

Ugu danbayn waxan Muse leehay, ” Musow DP World lacagta ay Berbera ka qaadataa waxa ay tagtaa Dubai waxbana kama ogid, xisaabta la mariyo Accountka Shirkadda Dubai laga furtay waxba kama ogid kamana ogaan kartid. Oo haddii aad amarto in laguu keeno xisaabta account-yada dibadda lagu furtay magacyada Somaliland, waxa laguu soo samayn warqado been ah oo dillaaliini samaysay. Dad ilbax ku ah arrimahan oo kuu soo ogaan kara amma agtaada ka dhawina ma jiraan ama ma haysatid. In aad miskiinnimo iyo dhulka is dhig aad shirkaddan wax kaga sugtana haba sheegin. Balse inta aanay xeedho iyo fandhaal kala dhicin, dirso Audit soo ogaada wax walba oo ay ka mid yihiin shirkaddaasi iyo hantida Somaliland laga dhacay ee dibadda la dhigtay “.

Ahmedweli Goth

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this