Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo qaadday Imtixaan shaqaale cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa maanta qaaday imtixaanka boosas ama jagooyin cusub oo shaqo ay dawladdu hore usoo dhejisey, kuwaas oo loo qaadanayo madaxqaybeeddo cusub maadaama ay yihiin jagooyin cusub oo looga gol-leeyahay dardargelinta shaqada.

Boosaskaan ayaa kala ah Talent Management Section Head, Training and Development Head Section, Appointment and Promotion Head Section, HR Policy and Strategy Development, Pension Policy, Banking Supervision and GIS Officer kuwaas oo  ka kala hawlgeli doona hay’adda shaqaalaha rayidka ah, Bangiga dawladda, Wasaaradda qorshaynta iyo   Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.

Tartamayaasha ayaa oo isugu jirey rag iyo haween ayaa guud ahaan ahaa 80 qof oo dhallinyaro ah kuwaas oo wax kusoo bartay jaamacadaha gudaha iyo dibadda isla markaana waxay isugu jireen xirfadlayaal soo shaqeeyey iyo dhallinyaro cusub oo dhowaan soo dhammeeyey Jaamacadaha.

Imtixaanka ayaa waxaa qaaday khuburo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kuwaas oo si gaar ah loogu xilsaaray inay qaadan imtixaan hufan  isla markaana ay ilaaliyaan dhexdhexaadnimada iyo tartamayaasha iyo ilaalinta kalsoonida shacabka.

Baanka adduunka ayaa ka caawinaya dawladda Puntland tayaynta shaqaalaha iyo hay’adaha dawladda kaddib markii la arkay inay dawladda Puntland tahay mid ka gudubtey heerka (Emergency) isla markaana ay u gudubtey heerka horumarka sidaa awgeedna ay saaxiibada caalamka uga baahan tahay inay kala shaqeeyaan hannaanka dawlad wanaagga iyo ku baahinta maamulka dhulka fogfog.

DSC_0234.jpg?resize=600%2C401 DSC_0235.jpg?resize=600%2C401 DSC_0236.jpg?resize=600%2C401 DSC_0241.jpg?resize=600%2C401 DSC_0242.jpg?resize=600%2C401 DSC_0243.jpg?resize=600%2C401 DSC_0244.jpg?resize=600%2C401 DSC_0245.jpg?resize=600%2C401 DSC_0247.jpg?resize=600%2C401 DSC_0248.jpg?resize=600%2C401 DSC_0255.jpg?resize=600%2C401

The post Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo qaadday Imtixaan shaqaale cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this