Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Somalia oo looga hadlay Qodobo dhawr ah?

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii_Wasiirrada_DF_Maanta-1.jpg?resizMuqdisho (PP) ─ Shirkii Gollaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ee ka dhacay maanta Muqdisho ayaa looga hadlay Qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Sharciga Shirkaddaha iyo magacaabista taliyeyaasha Ciidanka Booliiska, Nabad sugidda iyo Asluubta.

Ugu horeyn Shirka gollaha ayaa looga dooday ansixinta shirciga shirkaddaha ee Soomaaliya, waxaana soo gudbiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha, iyadoo dood dheer kadib ay golluhu meel mariyeen sharciga shirkaddaha Soomaaliya, waxaana uu fududeyn doonaa Nidaamka Diiwaangelinta shirkaddaha dalka ka howlgala iyo habka maalgashiga dalka.

Sidoo kale, shirka gollaha ayaa lagu meel mariyay magacaabista Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Xuseen Cismaan Xuseen, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Gabagabadii kulanka ayaa looga hadlay ansixinta magacaabista Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaana loo magacaabay Maareeyaha hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmad, waxayna hay’addani ka shaqeyn doontaa dhaqangelinta sharciga Isgaarsiinta iyo horumarinta Nidaamka guud ee Isgaarsiinta dalka.

Shirkii_Wasiirrada_DF_Maanta-2.jpg?resiz Shirkii_Wasiirrada_DF_Maanta-3.jpg?resiz Shirkii_Wasiirrada_DF_Maanta-4.jpg?resiz Shirkii_Wasiirrada_DF_Maanta-5.jpg?resiz

PUNTLAND POST

The post Maxaa kasoo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Somalia oo looga hadlay Qodobo dhawr ah? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this