Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- Taliyayaasha nabad sugida, Booliiska iyo Asluubta oo la magacaabay,

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir deg-deg ah oo ay golaha wasiiraddu yeesheen ayaa lagu magacaabay Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta Soomaaliya, xilalkaas oo ay muddo si kmg ah u hayeen ku xigeenadooda marka laa reebo taliyaha ciidanka Asluubta.

 

Bashiir Cabdi Maxamed, oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa loo liyaha ciidanka booliiska, Taliyaha Nabadsugida ayaa loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen, halka Taliyaha Asluubta loo magacaabay Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

 

Shirka Golaha Wasiirada ayaa soo dhamaaday, iyadoo saxaafada looga wargbixiyay magacaabida Taliyeyaasha iyo waxyaabihii kulanka looga hadlay oo saacado badan qaatay.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this