Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka Turkiga oo la filaayo inuu booqasho ku imaado Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan xogta ku heleyno waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia todobaadka soo socda kusoo fool leh Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo iyo Wafdi uu Hogaamin doono.

Booqashada Ra’isul wasaare ku-xigeenka iyo Wafdigiisa ayaa la filayaa inay kusoo beeganto maalinta Talaadada ee todobaadka danbe.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka Turkiga ayaa ku hormari doona dalka Sudan oo uu ku nagaan doono muddo laba cisho ah, waxa uuna intaa kadib u soo safri doono Somalia.

Wakaala wararka Anadol ee Turkiga ayaa sheegtay in Ra’isul wasaare ku-xigeenka Turkiga inta uu joogo magaalada Muqdisho uu la kulmi doono Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Mas’uuliyiinta kale ee dowladda.

Socdaalka Ra’isul wasaare ku-xigeenka ayaa la sheegay inuu ku qotomo arrimo badan oo ay kamid tahay kormeerka ciidamada Soomaalida ee lagu tababaro saldhig ay Turkiga ku leeyihin Muqdisho iyo dhul dhawaan lagu wareejiyay Turkiga oo Jaziira ku yaala.

Sidoo kale, Sarkaal u hadlay Turkiga ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ee lagu tababaro saldhiga Turkiga ay ka qeyb qaadan doonan howlgal ka dhan ah Al-shabab oo laga sameenayo Koofurta iyo bartamaha Somalia.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo, ayaa booqan doona Saldhig Militery ay dowladiisa ka dhisaneyso dalka Sudan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Ra’isul wasaare ku-xigeenka Turkiga oo la filaayo inuu booqasho ku imaado Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this