Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Ku Xigeenkii Nabad Sugidda oo isagoo Lacago Malaayiin Dollar ah wata lagu qabtay Garoonka Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo katirsan DF-ka ayaa gacanta ku dhigtay sarkaalkii ugu sarreeyay hay’adda sirdoonka ee loo yaqaan Nabad sugidda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha Muqdisho laga xiray taliye ku xigeenkii Nabad sugidda ninka lagu magacaabo Abdulqadir Mohamed Nuur Jaamac xilli uu kusii jeeday magaalada Baydhabo.

Taliye ku xigeenka ayaa laqabtay isagoo watay Boorso lacago dollar ah kujiraan waxaana la sheegay in lacagtaas uu ula baxsan rabay dhanka Baydhabo.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa warbaahinta u sheegay in Abdulqadir Max’med  Nuur Jaamac uu watay lacag ka badan 1 Milyan oo dollar.

IMG_384689-ADF238-5D943F-4AED0E-7618CC-5

Lataliyaha dhanka ammaanka ee Xasan Cali Kheyre iyo ciidamo uu wato ayaa taliya ku xigeenka Nabad sugidda kasoo kaxeeyay garoonka diyaaradaha wuxuuna hadda ku jiraa xabsi guri sida wararku sheegayaan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya halka lacagta uu u waday Taliye ku xigeenka Sirdoonka, wararka qaar ayaa sheegaya in lacagtan uu kasoo qaaday saraakiil caddaan ah uuna ugudbin rabay Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al Shabaab ka wada gobollada Bay iyo Bakool.

Warar kale ayaa sheegaya in lacagtan ay aheyd mushaaraadka Ciidamada Nabad Sugidda PS-ta loo yaqaan balse uu musuq maasuqay uuna doonayo in uu dhul uga iibsado magaalada Baydhabo.

Nabad Sugidda Dowladda Federaalka ayaan laheyn taliye in kabadan sedax bilood kadib markii shaqada laga eryay Cabdullaahi Sanbaloolshe oo hay’addaas madax ka ahaa.

Wixii warar ah oo kusoo kordha arrintaan waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Taliye Ku Xigeenkii Nabad Sugidda oo isagoo Lacago Malaayiin Dollar ah wata lagu qabtay Garoonka Muqdisho. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this