Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan hore Cumar Ismaaciil Maxamed ( Sanweyne ) oo saaka ku geeriyooday Bosaso

Recommended Posts

Deeq A.   

tacsi-3.jpgAlle naxariistii Jano haka waraabiyee waxaa saaka Bosaso ku geeriyooday Boqor Xildhibaan Cumar Ismaaciil Maxamed ( Sanweyne ).

Marxuumka ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadu ugu horeeyey ee Puntland ay yeelato Sanadkii 1998, Waayadii dambe Marxuumka wuxuu ka mid ahaa Isimada Puntland, Deegaanada Barina aad ayuu ugu adeegi jiray Bulshada, Wuxuu ahaa Oday Soomaaliyeed, Isim Puntland iyo Nabadoon ba.

Marxuumka wuxuu ahaa Waayeel, Saaka oo isniin ah 19/2,2018 ayuu ku geeriyooday Bosaso.

Waxaa Tacsi Guud loo dirayaa dhamaan Caruurtii iyo Eladiisii, Shacabka Puntland iyana waa looga tacsiyeynayaa geerida Ex Xildhibaan Boqor Cumar Ismaaciil.

Marxuumka waxaan Illaahay uga baryeynaa Jano waarta iyo dambi dhaaf.

Aaaamiiin Aaaaamiiin
Aaaaamiiin Aaaaamiiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this