Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Maxaa looga Hadlay kulankii ay wada qaateen Gudiga Nabadgalyada Gobolka Mudug iyo Bulshada ku dhaqan Deegaanada Godod iyo Gacmo Fale?

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudigii Nabadaynta magaalada Gaalkacyo ee ka koobnaa Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ,maamulada Puntland iyo Galmudug iyo Nabadoonada gobolka ayaa kulan ku saabsan adkeenta Nabad galyada iyo wada noolaanshaha bushada ku qabtay deegaano ay ka mid yihiin  Godod ,Gacmo fale Jiingada iyo Jeexdin oo katirsan dhamaantod Gobolka Mudug .

Gudiga ayaa kulamo laqatay bulshada qaybaheeda kala duwan , Nabadoonada iyo waxgaradka deegaanadaasi waxayna kawada hadleen xoojinta Nabad galyada.

Gudiga ayaa sidookale lakulmay Saraakiisha ciidamada hogaaminaysay iyo Gudoomiye yaasha degmooyinka.

Waxgaradkii ku dhaqnaa deegaanadii ay tageen gudiga  ayaa  dhankooda soo dhaweeyay  Nabadaynta shabaka kuwada nool deegaanadaasi oo ay wadaan gudiga iyo saraakiisha Ciidamada waxayna balan qaaden in dhankooda ay kala shaqayn doonaan Nabadgalyada.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya Sonkor Jaamac Geyre oo gudiga hogaaminayay ayaa warbaahinta uga warbixiyay kulamadaasi iyo waxyaabihii looga hadlay.

Halkan ka dhagayso.

      Gudiga

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this