Sign in to follow this  
Deeq A.

Canshuurta oo la bixiyo yaa dan ugu jirtaa, Dowladda mise Shacabka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kala aragti duwanaanta soo kala dhex gashay ganacsatada Muqdisho iyo Dowladda Federaalka oo sababtay xiridda suuqa Bakaaraha maanta, waxay caddayn u tahay in Ganacsatadu ay dantooda keliya fiirsanayaan, ee aanay dan  ka lahayn hooyada iyo aabaha u ordaya inuu helo quuta yoomka carruurtiisa maalintaas.

Waxaa hore u jiray in Dowladihii hore ay canshuurta Dekedda iyo Garoonka Muqdisho, tusaale ahaan, ay madaxdii wakhtigaas joogtay kulahayd saami goonni ah oo ay iyaga keliya qaataan, canshuurtana laga qaadi jiray ganacsatada iyada oo kuwa kalena laga dhaafo.

Musuqmaasuqa baaxadda intaas le’eg leh wuxuu god ku riday adeeggii ay heli lahaayeen bulshadu, waxaana lagu naas nuujin jiray dad gaar ah oo xukuumadihii hore saamayn kulahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bilowday in ay dardar geliso hawlaha canshuur qaadista, si loo hagaajiyo adeegga Bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, korontoda iyo jidadka.

Balse taas beddelkeeda Ganacsatada ayaa bilaabay inay ka hor yimaaddaan in si dhab ah loo qaado canshuurta, oo markii hore lagu bixin jiray qaab aan daah furneen ama musuqmaasuq ku jiro. Laakiin markii uu xilka qabtay Madaxweyne Farmaajo ayaa bilaabay in si caddaalad ah loo qaado canshuurta kadib dib loogu celiyo dadweynaha si loo gaarsiiyo adeeg.

Waxaa la wada ogyahay in Ganacsatada Muqdisho ay siiyaan Alshabaab canshuur qasab ah ama baad ah oo loo yaqaan (Zakawaat), taas oo ay ku bixiyaan qaab qarsoodi ah, waxa ayna ka qeyb qaadataa lacagtaasi koboca awoodda argagaxisada Alshabaab.

Haddaba haddii Ganacsatadu ogolyihiin in ay Alshabaab siiyaan canshuur aad u farabadan misana ay diidayaan canshuurta yare e Dowladda, yey u shaqeeyaan ganacsatadu mase la oran karaa waxay kasoo horjeedaan Dowladnimada iyo in waddanka la horumariyo.

Dad badan ayaa qaba in ganacsatada diiddan canshuurta ay yihiin kuwa dano gaar ah ku waayaya haddii ay bixiyaan canshuurta balse aan fiirinayn danta guud ee bulshada.

Canshuurta oo si sax ah loo bixiyo waxay dan ugu jirtaa Shacabka oo ah ka faa’iidaystayaasha koowaad, maadaama ay helayaan taas beddelkeeda adeegyada asaasiga ah.

 

Dowlad ka shaqeysa ma jirto adduunka oo aan canshuur qaadin, dadweynaha dalalka horumaray waxay bixiyaan canshuur si ay Dowladdooda ula xisaabtamaan waxa ay u qabatay iyo waxa ay ka gaabisay.

W/D: Xuseen Faarax Muuse

muuse123@gmail.com

 

The post Canshuurta oo la bixiyo yaa dan ugu jirtaa, Dowladda mise Shacabka? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this