Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegeyso) Xaaladda Abaareed ee ka jirta deeganada Puntland oo laga dayrinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada Puntland ayaa soo xoogaysanaysa kadib markii abaartii Sima ay saamayn xooga dalka ku yeelatay iyadoo deegaanada qaarkood aysan si wanagsan uga curan roobabkii Guga.

Agaasimaha Hay,ada Maarinta Masiibooyinka Puntland HADMA Cabdulaahi Cabdiraxmaan Axmed Cayrow ayaa ka warbixiyey heerka abaareed ee ka jirta Puntland waxaa uu tilmaamay in xaaladda abaartu ay tahay mid adag.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in kormeer ay kusoo  sameeyeen ilaa 210 deegaan oo ka tirsan Puntland ay kusoo ogaadeen inay ka jirto xaalad abaareed saamayn ku yeelatay dadka reer guuraaga ah.

Gobalada,Bari,karkaar sanaag hay,laan Nugaal Qaybo kamid ah iyo deegaanada ku teedsan xeebaha ayuu sheegay in ay yihiin meelaha ugu daran waxaana uu intaa raaciyey  in dadku ay u baahan yihiin cunto iyo Biyo.

Halkaan Ka Dhegeyso Codka.

      CayrowMP3

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this