Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal Chinese ah oo shahaado sharaf lagu siiyay Soomaali uu soo qabtay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal-la-sharfay.jpg?resize=800%2C450

Sarkaal u dhashay dalka China oo hogaaminayey howlgal sannadkii hore lagu soo badbaadiyay markab ganacsi oo burad-badeed ku af-duubtay Gacanka Cadmeed, ayaa la guddoonsiiyay shahaado sharaf halyeeynimo,sida ay sheegtay Warbahinta Gudaha.

Hawlgalkaasi lagu soo badbaadiyay markabka ganacsi ayaa sidoo kale lagu soo qabtay saddex kamid ah burcad-badeedda Soomaalida.

Ku xigeenka duqa magaalada Fuzhou oo ka tirsan gobolka Jiangxi ee bariga dalka China,ayaa Arbacadii gurigiisa ku booqday sarkaalka oo lagu magacaabo Gong Kaifeng,wuxuuna ku ammaanay guulaha uu ka gaaray hawlgalkaasi,sida lagu qoray bogga Thecover.cn

15 April ee sannadkii hore,Mr.Gong iyo 15 kamid ah saaxiibadiisa oo ka socday unugga gaarka ah ee ciidamada baddda China ee loo yaqaanno “Dragon Commando”ayaa soo badbaadiyay markab xamuul ah,kadib markii burcad-badeed ku weerartay Gacanka Cadmeed.

Markabka lagu magacaabo OS35 ayaa ku gooshayey calanka Jasiiradda Tuvalu,xilliga ay weerartay burcad-badeedda,isagoo markiiba caawinaad weydiistay ciidanka badda China.

sarkaalka Gong Kaifeng ayaa lagu bogaadiyay sidii geesinimada lahayd ee uu burcadda uga soo furtay 16 shaqaale u dhashay dalka Philippines oo saarnaa markabkaasi.

Hawlgal lagu badbaadiyay markabka ayaa lagu tilmaamay kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ay burcad-badeedda Soomaalida qaadeen ciidanka badda waddanka China.

Xishasho: South China Morning Post

PUNTLAND POST

 

The post Sarkaal Chinese ah oo shahaado sharaf lagu siiyay Soomaali uu soo qabtay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this