Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo soo faragelisay Xirnaanshaha Suuqa Bakaaraha iyo Ganacstada qaar oo lagu amray inay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in suuqa bakaaraha uu Maanta ku jiro shaqo joojin ay ku dhaqaaqeen inta badan ganacsatada suuqaasi oo diidan canshuur ay soo rogtay dowlada Soomaaliya.

Ganacsatada suuqa oo ah kan 0ugu weyn Soomaaliya ayaa shalay ku dhaqaaqay shaqo joojin ay uga cabanayaan canshuur lagu soo rogay alaab ku jirta dekadda Muqdisho, waxaana go’aankaasi qaatay inta badan ganacstada suuqaasi.

Ganacsatada qaar ayaa saakay furay qeybo kamid ah Suuqa, waxayna Caasimadda Online xogta ku heleysaa inay lasoo xiriireen saraakiil ka tirsan Shabaab .

Saraakiishaan ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa ganacsatadaan ku amray inay xiraan ganacsiyadooda isla markaasna ay ku go’aan ku noqdaan ganacsatada uu Khilaafka kala dhaxeeyo dowladda dhexe.

Ganacsatadii furay qeybo kamid ah ganacsiyada ayaa markii dambe xireen kadib hanjabaad culus oo uga timaaday  Ururka Al-Shabaab.

Khilaafka u dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa gaaray heerkii ugu sareeyey kaasoo keenay inuu xirmo suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Suuqa Bakaaraha oo ay noloshooda ku xiran tahay inta badan dadka Muqdisho ku nool.

ernaanshaha Suuq Wey ee Bakaaraha ayaa wuxuu saameeyay qaar ka mid ah muruq maalka ka xamaasha Suuqaasi kuwaas oo noloshooda ay ku tiirsaneed waxa ay ka helaan suuqa Bakaaraha.

Qaar ka mid ah dadkaan ka xamaasha Suuqa Bakaaraha oo lahadlay KNN ayaa Dowlada ka dalbaday in ay xal u raadiso xernaashaha Ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo ay ku tiirsanaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Al-Shabaab oo soo faragelisay Xirnaanshaha Suuqa Bakaaraha iyo Ganacstada qaar oo lagu amray inay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this