Deeq A. Posted February 18, 2018 Isbeddel ku cusub Xukunka iyo dhaqan-siyaasadeedka Itoobiya, laganayaabo in uu halistiisa yeesho ayaa hadda ku socda qaabkii ay Itoobiya u dhisnayd, kuna ahayd dowlad islaweyn muddo dheer, jabhadda xoreynta dadka Tigree oo la aasaasay sanadkii 1975-tii; iyo isbaheysigeeda EPRDF; oo xukumayey Itoobiya muddo ku dhow 30; sano, ayaa u muuqda kuwo ku jira maalmihii u dambeeyey ee noloshiisa siyaasadeed. Madaxda sare ee EPRDF; jabhadda dimoqraadiga kacdoonka dadka Itoobiya; oo ka kooban afar xisbi qabiil ayaa wajahaya welwel iyo cabsi kaddib iscasilaadda Raisalwaasare Hailemariam Desalegn Boshe. Isabaheysiga EPRDF; ayaa ka sameysmay isutag ay sameeyeen TPLF oo Tigree ah iyo SEPDM; oo metela dadka dega Koofurta Itoobiya, iyada oo 1989-kii, intii uu ku jiray jabhadeynta lagu soo daray OPDO; Ururka dimoqraadiyadda dadka Oromada iyo ANDM; dhaqdhaqaaqa waddaniga ah ee Amxaarada. Ismaamul-goboleedyada Itoobiya ayaa qaarkood qorsheynaya in ay sameeyaan mid lamid ah kacdoonkii Wayane; oo sanadkii 1943; ka kacay gobolka Tigraay, Xayle Salaase iyo Abebe Arege; oo taliyeyaal ciidan ka ahaa kacdoonkaas billowgiisii ayaa sameystay waagaas halqabsiga ah “ Dowlad ma jirto ee aan ismaareyno isna xukuno”, wax u muuqda in ay ka turjumayaan sameysiga is xukun iyo in xukunka Adisababa laga hoos baxo ayaa ka hulaaqaya ismaamul gobleedyo ay Oramada iyo Amxaaradu ugu horreeyaan, kuwaas oo ay suurtagal tahay in ay jiheeyaan inta badan qowmiyadaha dalkaas. Siraj Fegessa; Wasiirka gaashaan-dhigga Itoobiya Siraj Fegessa; wasiirka gaashaankdhigga ee Ethiopia ayaa u sheegay warbaahinta kaddib iscasilaadii Raisalwasaare Desalegn Boshe; in Itoobiya geleyso xukun iyo xaalad degdeg ah muddo 6; bil ah, ujeedka xukunka degdegga ah ayaa ah in lagu xakameeyo deganaansho la’aanta, Bannaanbaxyada iyo mucaaradka ku dhexsameysmaya xasilooni la’aanta. Dowladda ayaa dhowr mar iskudayday in ay sameyso wax u eg xaalad degdeg ah balse taasi waxa ay sababtay dhimasho iyo burbur hordhac u noqday xasilooni la’aanta laga cabsi qabo in ay sabab u noqoto dhalashadaItoobiya kala qaybsan Raisalwaasare Hailemariam Desalegn Boshe; oo ka soo jeeda qomiyadda Waleyta oo kamid ah shucuubta koofurta Itoobiya kana mid ah Xisbiga SEPDM; oo kamid ah ururada sameeyey isbaheysiga EPRDF; ee xukuma Itoobiya ayaa halmar kawada tegey xilkii raisalwasaarenimo iyo hoggaamiyenimadii EPRDF; waxa uu ku sheegay sababta in muddo dheer dalku ku jiro bannaanbaxyo sababay dhimasho badan, iscasilaaddiisana waxa uu ku tilmaamay in ay tahay tallaabo suurtagal ka dhigi karta sameynta dib u habayn siyaasadeed. Iyada oo aan looga baran ayuu si cad u muujiyey in xasilooni la’aanta siyaasadeed iyo deganaansho la’aantu ay sababeen dhimashada iyo barakaca dad badan oo Itoobiyaan ah. Waxa uu xilka ka degay iyada oo uu taagan tahay kacdoonkii ugu weynaa uguna adkaa ee ka horyimaada xukunka itoobiya muddo 25; sano ah. Hadda tirada ay sheegtay xukuumadda Itoobiya oo ah maxaabiis siyaasadeed ayaa gaartay 6500; oo qof, kuwaas oo isugu jira siyaasiyiin, Suxufiyiin iyo dadka u ololeeya ballaaranta xukunka iyo talada Itoobiya oo sidii uu hirgalay 27; sano kahor xukunka TPLF ku jira gacan bir ah iyo xabsi neefdiid ah, kaas oo ku ad-adkaa dhammaan dadka dhalliila. Oromada oo isu aragta in ay ka ooman tahay xukunka iyo talada Itoobiya iyo Amxaarada oo isu aragta in shan farood iyo calaacal looga faramaroojiyey xukunka dalka ayaa wada isusoo bax aad u weyn oo ay qurbajoogta labada qabiil ka teegarayaan dibadda. Bannaanbaxayaal oromo ah, oo diiddan DowladdaItoobiya 2016. Isha Sawirka: Minasse Wondimu Hailu/Anadolu /Getty Images Amxaarada iyo Oramadu haddii ay is garabsadaan waxa ay ka dhigan yihiin 61% dadka Itoobiya, balse iskaashiga Oroma iyoo Amxaarada waxa hortaagan Tigree oo isbaheysi bawdo qaawis u ah la leh Qabaail yaryar bale aad u tirabadan marka la isugeeyo. Xukunka Itoobiya dhinacyada Ciidanka, Dhaqaalaha, Sirdoonka iyo Warbaahinta waxa gacanta ku haya kaadir aaminsan sarreynta Qabiilka Tigree, ama dad katirsan qowmiyadaha kale balse u tirsan kuna tirsan Tigree, sababta ugu weyn waa in Tigree dareensan yahay in haddii aanay xukunka hayn ay suurtagal tahay in si ba’an looga aarguto, waana taas mid kamid ah sababaha ay jabhadda xoreynta dadka Tigree; ugu ololeysay in Itoobiya noqoto Dowlad federal ah oo xukunku u kala qaybsan yahay Caasimadda iyo caasimadaha ismaamul goboleedyada. Qowmiyadaha Aari, Afar, Agaw-Awi, Agaw-Hamyra, Alaba, Amhara, Anuak, Arbore, Argobba, Bacha, Basketo, Bench, Berta, Bodi, Brayle, Burji, Bena, Chara, Daasanach Dawro, Debase/ Gawwada,Dirashe,Dime, Dizi, Donga, Fedashe, Felasha,Gamo, Gebato, Gedeo, Gedicho,Gidole, Goffa, Gumuz, Gurage, Silt’e Hadiya, Hamar, Harari, Irob, Kafficho, Kambaata, Konta, Komo Konso, Koore, Koyego, Kunama, Karo, Kusumie, Kwegu, Male Mao, Mareqo, Mashola, Mere, Me’en,Messengo, Majangir, Mossiye, Murle, Mursi,Nao, Nuer, Nyangatom, Oromo, Oyda Qebena, Qechem, Qewama, She, Shekecho, Sheko, Shinasha, Shita/Upo, Sidama, Somali, Surma, Tigray, Tembaro, Tsamai Welayta, Werji, Yem, Zeyese, Zelmam, iyo Dorze, intooda badan waxa ay gacansaar isgarabsi ah la leeyihiin TPLF, waxa ayna xubno ka yihiin Isbaheysiga EPRDF; Raisalwaasare Hailemariam Desalegn Boshe; waa la aqbalay iscasilaaddiisa, guddiyada fulinnta ee xisbigiisa SEPDM iyo isbaheysiga EPRDF ; ayaa sidaas u sheegay warbaahinta dowladda. Safaaradda Itoobiya ee Landhan oo soosaartay War kooban ayaa sheegtay in la aqbalay iscasilaadda raisalwasaaraha basle waxa uu sii wadi doonaa howsha inta laga helayo cid bedesha, taas oo ka soo bixi doonta shir weynaha soosocda ee isbaheysiga EPRDF. Desalegn Boshe; waxa uu ahaa siyaasi aan muuqan, qunyar socod ah, kuna fiican maamulka iyo maareynta, waxa uu ka hoos shaqeynayey hoggaamiyihii Shuuciga ahaa ee Meles Zenawi Asres; oo geeriyooday Agosto 2012 WQ: Axmed Ciise Guutaale Dersa Sharciga & Qaanuunka Xigashada: http://www.independent.co.uk; www.theguardian.com; http://www.aljazeera.com Abdulahi Nur Colombo; magacyada qowmiyadaha ayaan ka soo xigtay qoraalkiisa The post Isbeddelka Itoobiya & Is-muquuninta Qowmiydaha appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites