Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso 2 sababood oo ay ciidamada dowlada u heysan la’ yihiin goobaha ay ka qabsadaan al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaaya ciidamada dowlada Federaalka ee baneynaaya goobaha ay ka qabsadeen maleeshiyaadka al-Shabaab Seddex bil ee ugu danbeysay.

Ciidamada dowlada ayaa saacadihii ugu danbeeyay faarujiyay ilaa Shan deegaan oo dhawaan laga qabsaday maleeshiyaadka al-Shabaab sababo la xiriira daryeel la’aan.

Deegaanada ugu badan ee saacadihii ugu danbeeyay ay faarujiyeen ciidamada dowlada ayaa hoostaga Gobolka Shabellaha Hoose.

Sababaha ay ciidamada u faarujinayaan goobahaasi ayaa waxaa lagu sheegay laba sababood oo kala ah:

1-Ciidamada dowlada oo aan heysan saanad Militery iyo daryeel hufan.

2-Taliyayaasha ciidamada oo si joogta ah ugu tagri fala xuquuqda ciidamada iyo kala sareysiintooda.

Ciidamada ka dagaalama jiida dagaalka ayaa la xaqiijiyay in qaarkood aysan mushaar qaadan ku dhawaad 5 bil ilaa Sanad.

Ciidamada qaar ayaa sidoo kale la sheegay in laga saaray liiska ciidanimada isla markaana lagu buuxiyay shaqsiyaad kale, taa oo soo dadajisay in ciidamada ay dayacaan mas’uuliyada ka saarneyd difaaca.

Sidoo kale, Taliyayaasha qaar ayaa la sheegay in ciidamada ay ku amraan inay ka baxaan goobaha qaar, iyadoo ujeedka lagu sheegay inuu sii daba dheeraado dagaalka lagula jiro al-Shabaab iyo in dhaqaale lagu dagaalamo looga cuno dowlada.

Si kastaba ha ahaatee, Gobolada ugu badan ee ciidamadu ay dib uga baxayaan ayaa waxaa kamid ah Gobolka Shabellaha Hoose iyo Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Akhriso 2 sababood oo ay ciidamada dowlada u heysan la’ yihiin goobaha ay ka qabsadaan al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this