Sign in to follow this  
Deeq A.

(VIDEO) Muuse Biixi oo xabsiga u taxaabay siyaasi ku dhawaaqay inuu maamul goboleed udhisayo Saaxil

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi, Saleebaana Ibrahim Maxamuud, oo kasoo jeeda magaalada Berbera ayaa loo taxaabay xabisga kadib markii uu ku dhawaaqay inay reer Saaxil sameysanayaan maamul ka madax bananan maamulka Hargeysa ee Somaliland.

Siyaasigaan ayaa si weyn ugasoo horjeestay wuxuu ugu yeeray boob ay kheyraadka Berbera ku hayaan wasiirka arrimaha dibada Somaliland, Sacad Cali Shirre iyo wiil uu sodog u yahay Siilaanyo oo lagu magacaabo Morgan, kuwaas oo sameystay shirkad iyagu leeyihiin oo ay ugu magac dareen shirkada maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland, taasoo ay dhawaan Dubai ku daahfureen.

Saleebaana Ibrahim Maxamuud, ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in NGO loo sameysto sidii loogu boobi lahaa kheyraadka shacabku leeyihiin, iyadoo la adeegsanayo awooda maamulka.

Markuu hadalkiisa warbaahinta lagasii daayay, ayaa isla markiiba wuxuu Muuse Biixi amray in lasoo xiro oo xabsiga loo taxaabo.

DAAWO Shirkiisii jaraa’id xarrigiisa kahor.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this