Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Dowlada Soomaaliya Oo Dib uheshiisiin usamaynaysa dhinacyadii ku dagaalamay Deegaanka Xeraale Ee Gobolka Gal Gaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudigii nabadaynta beelihii ku dagaalamay deegaanka Xeraale ee Gobolka gal gaduud  ee  uu Madaxweynaha uxilsaaray halkaasi  ayaa gaaray deegaanadii ay ku dagaalameen beelahaasi.

Sheekh Abuukar bashiir Cali lataliyaha Madaxweynaha dhanka diinta oo ah gudoomiyaha gudiga nabadeenta beelahaasi ayaa sheegay in halkaasi ay utageen xalinta khilaafaadka udhaxeeya beelaha wada dagan gobolka galgaduud .

Waxa uu sheegay Sheekh Abuukar in haatan ay ufadhiyaan sidii looga wadahadli lahaa dagaaladii ka dhacay deegaanka xal waarana looga gaari lahaa khilaafaadkaasi .

Waxa uu sheegay in ay soo dhaweeyeen odayaasha dhaqanka in laysku keeno  dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka Xeraale, lana xaliyo tabashada ay kaqabaan hogaankii hore ee Ahlusuna Wal jameeca oo ay asheegeen dadka deegaanka Xeraale in uu qayb ka ahaa dagaaladii ka dhacay halkaasi.

      190209_005 - My Recording

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this