Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo soo celinaysa maxaabiis kale oo ku xiran dalka Libya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo lahadlay Warbaahinta dowladda ayaa faah faahiyay qorshaha dowladda Soomaaliya ay dib ugu soo celineyso dalkooda Tahriibayaal Soomaali ah oo ku xir xiran Xabsiyada dalka Libya.

Mudane.Fiqi ayaa sheegay in dowladda Libya ay u fasaxday wefdigooda iney booqdaan Xabsiyada ay ku xiran yihiin Soomaalida dalkaasi lagu ku rafaadsan, islamarkaana ilaa iyo haatan ay booqdeen labo xabsi oo ay ku xiran yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

” Anagoo fulinayna amarkii Madaxweynaha JFS waxaa naga go’an in aan soo deyno maxaabiista kale ee weli ku harsan Xabsiyada Liibiya,waxaan joognaa magaalada Tripoli ee Caasimadda Dalkan,waxaan dhawaan booqanaynaa xabsiyo kale”ayuu yiri  Fiqi

Danjire.Cali Siciid Fiqi ayaa sidoo kale caddeeyay ay hadda bilaabeen qorshihii dib usoo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiyada Libya.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo soo celinaysa maxaabiis kale oo ku xiran dalka Libya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this