Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo maanta hakad Ku jiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa saakay oo Axad ah guud ahaan xiran Ganacsigii suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Arintaan ayaa ka dambeeysay kadib go’aan shalay ay qaateen ganacsatada suuqa Bakaaraha ee Muqdisho oo ku aadan in lacago canshuur dheeraad ah lagu soo rogay.

Ganacsatada ayaa sheegay in wax laga qaban waayay cabashooyin ay soo gudbiyeen dowladana ay dhagaha ka fureeystay.

Ganacsatada ayaa sheegay in qasaare ay ugu jirto lacagaha dheeraadka ah oo ay dowlada ku soo rogtay islamarkaasina ay dhiibayaan Canshuurtii ay horay u dhiibi jireen.

Waxa ay sheegeen in muddo 12 bari ah ay alaabooyinkooda ku xanibanyihiin Dekada Muqdisho Canshuurta lagu soo rogay darteed.

Wasaarada Maaliyada ayaa ku adkeeysaneeysa in canshuurta lagu soo rogay ganacsatadu aanay aheyn mid aad u badan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo maanta hakad Ku jiro appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this