Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegeyso)Isimada Puntland oo Shir ka Yeelan Doona Qabsashada Deegaanka Tukaraq iyo guud ahaanba Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Garaad Cabdilahi Cali Ciid Af-hayeenka Isimada Puntland oo la hadlayay Radio Garowe isagoo ku sugan Muqdishu ayaa sheegay inaysan aqbali doonin shir ay wado dawlada Somaliya oo Jabuti lagu wado in lagu qabto kaas ay ku wada hadli doonaan Somaliland iyo Somaliya.

Garaadka ayaa tilmaamay in ay tahay iyaga ama Wax-garadka gobolada SSC in wax laga waydiiyao ay tahay aayaha gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ,haddii lagala tashan waayo oo laga dulboodo aysan aqbali doonin shirikaasi.

Dhanka kale Af-hayeenka Isimada Puntland Cabdilahi Cali Ciid ayaa sheegay in shir ay isamadu isugu imaan doonaan kaasoo ay oga hadli doonaan deegaanada iyo gobolada Puntland ka maqan oo ay ka mid tahay deegaanka Tukaraq iyo dhamaan gobolada maqan sidii lagu soo celin lahaa.

Halkaan Ka Dhegeyso Waraysiga.

      Garaad Cabdulaahi Cali Ciid

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this