Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo gurmad deg deg ah weydiisatay Qaramada Midoobay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka-Gas-iyuo-QM.jpg?resize=1000%2C555

Ku xigeenka dhinaca banii’aadantinimada Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya,Peter De Clercq ayaa dowaladda Puntland ku amaaney doorka iyo kaalinta siyaasadeed ay ka qaadatay Nabadda, iyo Xasilinta Soomaaliya.

Mr.Peter De Clercq ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu maanta Garoowe kula yeeshay madaxweyne Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas),wuxuuna sidoo kale Puntland ku ammaanay in ay door weyn ka qaadatay ka shaqeynta arrimaha banii’aadantinimada.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas)ayaa oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in Puntland ay marwalba u taagan tahay sidii loo heli lahaa dowladnimo soomaaliyeed oo buuxda,taasoo ku dhisan caddaalad,isla markaana haysata kalsoonida shacabka soomaaliyeed, si loo helo shacab iyo dowlad isku duuban oo si wadajir ah u wajaha xaaladda cakiran ee haatan Soomaaliya ka jirta.

Dhinaca kale madaxweyne Gaas ayaa Mr.Peter De Clercq u sheegay in loo baahan yahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, isagoo Qaramada Midoobay ka codsaday in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee reer Puntland.

PUNTLAND POST

 

The post Dowladda Puntland oo gurmad deg deg ah weydiisatay Qaramada Midoobay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this