Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii ay Al-Shabaab Maanta ku toogteen Gobolka Hiiraan oo la ogaaday waxa uu ahaa iyo sababta loo dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Buq Aqable  (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabab ayaa sheegay in Fagaatre ku yaalla Degaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan ay ku dileen Sahal Axmed Rasle,kaas oo ay ku sheegeen in uu ahaa Askari ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay tababartay Imaaraadka.

Al-shabaab ayaa sheegay in Maxkamadda Al-shabaab ee degaankaas ay askariga xukun dil ah ku ridday islamarkaana lagu toogtay fagaare ku yaalla degaankaas.

Fagaare kuyaal degmada Buq-aqable ayaa lagu toogtay askariga, qaaddiga maxkamadda xukunka ridday ayaa sheegay in askarigu qirtay dhammaan dambiyadii lagusoo eedeeyay wuxuuna maxkamadda ka hor sheegay in lasiiyay lacago si uu diyaarad ugu raaco balse isagu uu naftiisa ka bakhiilay uuna go’aansaday in uu safarka dhanka ah ku aado Caabud Waaq.

Al-shabab waxaa ay sheegeen in Ninka ay toogteen ee ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay kala dageen Garai nooca dadweynaha ah oo uu la socday.

Waxaa ay sheegeen in uu ka baxay Muqdisho kuna jeeday Cabudwaaq,isaga oo ka mid ahaa Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ay tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Dadweyne isu soo baxay goobta fagaaraha oo ay Al-shabaab maamulaan ayaa daawanayay xukunka dilka ah ee lagu riday Sahal Axmed Rasle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Ninkii ay Al-Shabaab Maanta ku toogteen Gobolka Hiiraan oo la ogaaday waxa uu ahaa iyo sababta loo dilay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this