Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalada Garowe oo laga hirgaliyay dhisme hotel casriya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa xariga ka jarey dhismaha cusub ee Hotelka Bixin oo ay magaalada Garowe ka hirgalisay Shirkadda Bixin Group.

Dhismaha hotelkaan oo ka mid noqonaya kuwa ugu bilicda quruxsan ee Caasimadda Dowladda Puntland waxaa ka qeybgalay xafladii xariga looga jarey qeybo kala duwan oo ka socda bulshada magaalada Garowe sida Culimo, Odoyaal, Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland.

Maamulaha Shirkadda Bixin Group Xaamid Cabdi Samatar ayaa faahfaahin ka bixiyay dhismaha hotelka iyo guud ahaan asaaskii shirkadda Bixin oo xarumo ganacsi oo waaweyn ku leh Garowe, Hargeysa iyo Meelo kala duwan oo ka tirsan Dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne ayaa uga mahadceliyay Shirkadda Bixin Group hindisahan oo uu sheegay inuu qeyb weyn ka qaadanayo horumarka dalka, Wuxuuna ugu baaqay qurba joogta iyo waliba Ajaaniibta inay qeyb ka noqdaan maalgashiga Garowe.

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamuud Faarax Warsame oo ah Gudoomiyaha Guddiga Hawlaha Guud ee Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Baarlamanka Puntland oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo furitaanka Hotel Bixin.

Isku soo wada duuboo 10-kii sano ee u dambeeyay waxaa kusoo kordhayay Caasimadda Puntland horumar dhanka dhismayaasha.

vlcsnap-2018-02-16-06h33m51s943.png?resi vlcsnap-2018-02-16-06h27m35s860.png?resi vlcsnap-2018-02-16-06h28m53s679.png?resi vlcsnap-2018-02-16-06h29m25s728.png?resi vlcsnap-2018-02-16-06h29m59s958.png?resi vlcsnap-2018-02-16-06h30m29s689.png?resi vlcsnap-2018-02-16-06h30m52s003.png?resi vlcsnap-2018-02-16-06h31m16s402.png?resi vlcsnap-2018-02-16-06h34m08s286.png?resi vlcsnap-2018-02-16-06h34m25s963.png?resi vlcsnap-2018-02-16-06h35m03s181.png?resi vlcsnap-2018-02-16-06h35m38s546.png?resi vlcsnap-2018-02-16-06h37m36s664.png?resi vlcsnap-2018-02-16-06h45m26s644.png?resi vlcsnap-2018-02-16-06h46m14s643.png?resi vlcsnap-2018-02-16-06h47m32s527.png?resi vlcsnap-2018-02-16-07h12m39s260.png?resi vlcsnap-2018-02-16-07h13m10s130.png?resi vlcsnap-2018-02-16-07h15m07s133.png?resi vlcsnap-2018-02-16-07h15m37s748.png?resiAbshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Magaalada Garowe oo laga hirgaliyay dhisme hotel casriya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this