Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo amar kusoo rogtay hay’addaha barnaamijyada samafalka ah ka fuliya xarumaha barakacayaasha.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’addaha ka shaqeeya samafalka ayaa lagusoo rogay amar ku saabsan in iyagoo aan oggolaansho ka haysan wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladda hoose aysan wax barnaamij ah ka fulin karin xarumaha barkacayaasha iyo tuulooyinka.

Ujeedada ka dambeysa go’aankaan ayaa ah, kadib markii ay dowladdu ogaatay inay jiraan shakhsiyaad iyo hay’adddo ku shaqaysta inay macluumaad ka buuxsadaan dadka danyarta ee ku dhaqan xarumaha barakacayaasha iyo tuulooyinka, iyagoo u sheegaya inay caawinayaan.

Dowladda hoose ee Garowe, oo amarkaan fulinaysa ayaa maanta isugu yeertay guddiyada xarumaha barakacayaasha waxaana lagu wargaliyay inaysan wax macluumaad ah la wadaagin cidii u timaada iyagoo aan dowladda ka haysan oggolaansho.

Mid kamid ah guddoomiyayaasha barakacayaasha oo la hadlay warsidaha Puntlandi, ayaa u sheegay in lasoo ogaaday in hay’addaha qaarkood xogta ay ka qaataan xarumaha barakacayaasha ee kuyaala Puntland, markii ay mashruuc kusoo helaan inay ka fuliyaan meelo aan ahayn Puntland.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this