Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyadda Raggii Weeraray Macalimiinta Kenya oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobo (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay Magacyadda raggii ka dambeeyay weerarkii Macaliinta lagu laayay ee ka dhacay jimcihii  Iskuul ku yaalla Magaalada Gaarisa halkaas oo lagu dilay saddex Macalin.

Ciidamada Booliska ayaa waxa ay sheegeen Baaritaano ay sameeyeen in kala ahaayeen raggii weeraray Macaliinta Maalim Yusuf Abdullahi, Daud Ahmed Mohamed iyo Abdirashid Ibrahim Osman.

Maxamuud Saalax oo ah isku duwaha amniga Gobolka waqooyi Bari ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay ku daba jirraan raggaasi, islamarkaana ay gacanta kusoo dhigi doonta.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in weerarkaasi uu hoggaaminaayo Macallin Cabdullahi kaas oo uu sheegay in uu ka soo jeedo degaanka  Bojigaras,isaga oo xusay in uu yahay Xaasle saddex carruur ah leh.

Maxamuud Saalax ayaa dhawaan soo bandhigay Magacyada 35 Qof oo uu sheegay in ay ka tirsanyihiin AL-shabaab,kuwaas oo u dhashay Waqooyi Bari,kuna biiray Al-shabaab.

Magacyada Dadkaas,Carruurtooda,Xaasaskooda iyo meelaha ay degganyihiin ayuu sheegay isaga oo ehelka 35 qofna ku amray in Ciidamada amaanka ay kala shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa.

Waxaa uu baaq u diray xubnaha u dhashay degaanka ee ku biiray Al-shabaab isaga oo sheegay in haddii ay isu dhiibaan dowladd ay nabad gelyo heli doonaan.

 Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro nuucaan oo kale ah waxa ay ka geysteen dalka Kenya, halkaasi oo ay ku dileen Macalimiin, kuwo kalena ay ku afduubteen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Magacyadda Raggii Weeraray Macalimiinta Kenya oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this