Sign in to follow this  
Deeq A.

Baashe Maxamed Faarax oo hadda ogaaday dulmiga beesha dhexe ee Somaliland, calaacalna wehel ka dhigtay.

Recommended Posts

Deeq A.   

BAASHE-MAXAMED-1-1.jpgGuddoomiyaha golaha wakiillada maamulka Hargeysa Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa walaac xoogan ka muujiyay saami­qaybsiga kuraasta baarlamaanka Somaliland iyo cadaalad darrada beesha Isaaq ku hayso beelaha kale ee martida ah Hargeysa.

Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in golahoodu uu ka kooban yahay 56 kursi oo beesha dhexe ah (Beesha Isaaq) iyo 26 kursi oo beelaha darafyada ah taasina ay tahay cadaalad­darro weyn oo ka jirta Somaliland gudaheeda.

“ Haddii aad leedihiin 56 ha fadhido 26 ka kale mooshin ma keeni karaan, sidaasi ma suurtoobayso in beelina 56 haysato 10 beeloodna 26kursi haystaan. Doorashadu haddii ay dib u dhacayso iyo haddii aanay dib u dhacaynba arrintaas waxaan u aragnaa bahdil loo geystay beelaha kale.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this