Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali ku xirnaa xabsiyada dalka Libya oo lagu guulaystay in dib loogusoo celiyo Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federalka Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 11 qof oo ah muwaadiniin Soomaliyeed, kuwaas oo kamid ahaa maxaabiistii Soomaaliyeed ee ku xirnaan jiray xabsiyada dalka Libya, kadib markii halkaas ay Tahriib ku galeen.

Dadkaan oo isugu jiray dhalinyaro, carruur iyo haween ayaa noqonaya tiradii ugu horeysay ee Soomaali ku dhibaataysanayd dalka Libya oo dalka dib loogusoo celiyo, iyadoo arrintaan ay iska kaashadeen dowladda federalka iyo hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda federalka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro iyo xildhibaano ayaa soo dhaweeyey muwaadiniintaan maanta dib loogusoo celiyay Muqdisho.

Puntlandi.com 2-64.jpg1-64-1.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this