Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari siday Qaraxyo & Hub farabadan oo lagu qabtay Kenya xili uu ka baxay Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada amaanka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaari siday Qaraxyo iyo Hub farabadan oo sharci daro ah.

Saraakiisha ayaa Gaariga iyo Hubka ku qabtay gobolka Isio ee dalka Kenya waxa ayna xaqiijiyeen inuu ka imaaday Soomaaliya.

Saraakiisha oo qabashada Gaariga Qaraxyada siday iyo Hubkaba la wadaagay Saxaafada ayaa sheegay inay la socdeen dhaqdhaqaaqa gaarigaasi tan iyo markii uu kasoo baxay Soomaaliya.

Qaraxyada uu siday Gaariga ayaa waxaa kamid ahaa Miinooyinka nooca dhulka lagu Aaso, Qoryo, Bambooyin iyo Mindiyo Afeysan nooca ay isticmaalaan Shabaabka.

Sidoo kale, Booliska gobolkaasi Isio ayaa sidoo kale xusay in gaariga ay saarnaayeen waxyaabo la doonaayay in la qarxiyo oo laga sameeyay Kiimiko.

Docda kale, Booliska Isio ayaa iminka wadda howlgallo ay ku baadi goobayaan raga la socday Gaariga oo labo ah kuwaa oo ka baxsaday ciidamada.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com

The post Gaari siday Qaraxyo & Hub farabadan oo lagu qabtay Kenya xili uu ka baxay Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this