Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Dowladda Puntland kaalin Makulahayd Badbaadintii Doonida Xafiis ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa lagu dhaliilay in ay ka gaabisay howlgalkii bad baadinta doonidii ku soo caariday xeebta magaalada Bosaaso oo shalay laga dajiyay rarkii saarnaa.

Shacabka Puntland ayaa mudadii ay socotay bad baadinta  hantida saaran doonida Xafiis waxa ay isla dhexmarayeen hadal hayn ah in dowladda ,Wasaarada Dekedaha iyo gaadiidka bada Puntland iyo maamulka lawareegay dhismaha iyo balaarinta dekeda Bosaaso aysan door fir fir coon ka qaadan samatabixinta doontan.

Dadweynaha ayaa qaarkood qabay fikir ah in uu jiray dayac kayimid dhanka dowladda Puntland iyagoo fiirinaya sharciga uyaala maamulka lawareegay dhismaha dekeda Bosaaso ee P&O .

Wasiir kuxigeenka wasaarada dekedaha iyo gaadiidka bada Puntland C/risaaq Nuur Cumar ayaa sheegay in eedeentaasi dowladda loo soo jeediyay aysan waxba kajirin dowladduna ay mas,uuliyad ka saarantahay ilaalinta iyo badbaadinta hantida shacabka.

Wasiirka ayaa waxaa wax laga waydiiyay sababta ay dowladda udiiday in dekeda uu ku soo xirto horantii bishii tagtay Markab waday xoolo  Geel iyo Ari isugujiray oo kayimid magaalada Kismayo.

Wasiir kuxigeenka ayaa waxa uu ku jawaabay ” Markabkaasi waxa uu ahaa markab baafin kujira ,kabtankii markabka wadayna waxa uu soo galay dambi ah in mid kamid ah shaqaalaha Markabka uu kaga dhacay bada tas oo sababtay in markabkaasi lagu xakameeyo meeshii uu taagnaa isaga oo ka cararayay in uu ku soo xirto dekeda Bosaaso ayaa xoolihi saarnaa lagu dajiyay deegaanka Mareero ,waxaan ka cabsi qabnay in markabkan hadii aan ku soo xirno dekeda Bosaaso uu naga fariisto meesha mana lahayn baroosin uu ku soo xirto hadii ay dhicilahayd in uu uu ku soo xirto dekeda uuna ku ciladoobo waxaa dhicilahayd in guud ahaanba ay istaagto shaqadii dekeda.

Hadaba hoos ka dhagayso Wasiir kuxigeenka .

      Wasiir kuxigeenka wasaarada dekedaha

Wakiilkii Markabkaasi ay celisay dowladda Puntland  C/laahi Maxamed Cumar  ayaa sheegay in maalinimadii shalay uu markabkaasi ka ambabaxay deegaanka Mareero lagana dajiyay gud ahaanba xoolihii saarnaa, waxaana uu sheegay in wax qarashaad ah aysan ku dalacin Dowladda Puntland .

Halkan ka dhagayso Wakiilka Markabka.

      wakiilka markabka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this