Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo digniin kasoo saaray xaalada ammaan ee dalka Ethiopia.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Maraykanka ayaa digniin kasoo saartay xaalada ammaanka dalka Ethiopia kadib markii todobaadkii hore ay ka dhaceen mudaharaadyo ay ku dhinteen toban qof, kuwaas oo ka dhacay dhulka ay ku nool qowmiyada Oromada.

Digniintaan ayaa lagu yiri: “Marka la eego tallaabooyinka taxadarka leh, Safaaradda Mareykanka waxay si ku meel gaar ah u hakineysaa dhammaan safarrada ka baxsan magaalada Addis Ababa ee loogu talagalay shaqaalaha nabadgelyada ee safaarada.

Dowladda Maraykanka waxay muwaadiniinteeda ku sugan Ethiopia kula talisay inay si dhow ula socdaan isbedelada xaalada amni, dhegtana ku hayaan aqbaaraadka warbaahinta maxaliga ah iyo inay ka feejignaadaan goobaha mudaraharaadyada ay ka socdaan.

Hailemariam Desalegn oo ahaa raysal wasaarihii waddanka Ethiopia ayaa is casilay khamiistii todobaadki hore, si xal loogu helo kacdoonada dalkiisa ka socda ee loogasoo horjeedo dowladda.

Isbahaysiga talada haya ee Itoobiya, EPRDF ayaa u fadhiya sidii ay usoo magacaabi lahaayeen raysal wasaarihii badeli lahaa Desalegn. Desalegn ayaa Raysal Wasaare Ethiopia ka ahaa tan iyo sannadkii 2012-kii kadib geeridii Meles Zenawi.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this