Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogo dheeraad ah oo laga helaayo weerar ay Shabaabka ku laayen Macalimiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku qaaden Iskuul ku yaala degaanka Garso ee dhaca Bariga Wajer.

Maleeshiyada ayaa weerarka ku dishay Sadex Macalin oo ka soo Jeeda Gobolada Kale ee Kenya halka Mid ka Mid ah uu Dhaawac ka soo Gaaray weerar kaasi.

Stephen Ng’etich oo ah Taliyaha Ciidamada Booliska ee ismaamulka Wajer ee Gobolka Waqooyi bari Kenya, ayaa sheegay in ciidamo badan ay u direen Goobta uu Falkaasi ka Dhacay.

Stephen Ng’etich, ayaa tilmaamay inay suuragal tahay in gacanta lagu soo dhigo maleeshiyaadka geystay falkaasi isla markaana la horgeyn doono sharciga.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidamada Maamulka ee Loo Yaqaan Ap-da u Qaabilsan ismaamulka Wajer Mr Mohamed Sheikh ayaa dhankiisa ka sheegay in dableyda Weerarkaasi ka Danbeysay ay adeegsanayeen aaladaha kale ee qarxa.

Sargaalkaan ayaa waxaa uu intaa raaciyay in gaari ay wateen ciidamada Booliska oo ka jawabayay weerarkaasi ay qarax miino lala beegsaday balse uusan Jirin askari ku waxyeeloobay isku daygaasi.

Docda kale, weerarkaan lagu dilay Macalimiinta wax ka dhigta ismaamulka Wajer ayaa waxaa uu ku soo aadayaa saacado uun ka dib Markii Maalinimadii shalay laba askari oo ka tirsan ciidamada Milatariga Kenya Lagu dilay iska hor imaad kala shaki ku saleysnaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Xogo dheeraad ah oo laga helaayo weerar ay Shabaabka ku laayen Macalimiin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this