Sign in to follow this  
Deeq A.

Badbaadinta hantidii saarnayd doontii Xafiis oo lagu guuleystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Doonta-2-640x427.jpg?resize=600%2C400Waxaa ugu danbeyn maanta oo Jamce ahayd lagu guuleystay in la gaaro dajinta hantidii saarnayd doontii Xafiis ee ku soo caariday 5-tii bishan February xeebta magaalada Boosaaso.

Doontan oo loo sameeyay Dekad Macmal ah oo ay ka qeyb qaateen qeybaha kale duwan ee bulshada iyo maamulka Gobolka Bari ayaa lagu guuleystay in laga badbaadiyo dhamaan hantidii saarnayd.

Guddoomiyaha Guddiga badbaadinta hantida saaarnayd doonta Shiikh Fu’aad Aflow oo maanta warbaahinta kula hadlay goobta lagu dajinayay hantida ayaa sheegay in ay u mahadcelinayaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay badbaadinta hantidaas.

Wasiirka Dekadaha Puntand Siciid Maxamed Raage oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in isku tashigan uu tusaale u yahay in bulshada oo is taaga ay wax badan qabsan karaan.

Puntland ayaa shalay ku dhawaaqday in gebi ahaanba Canshuurtii laga dhaafay hantida saaran doontan oo lagu qiyaasay 7 Malyan.

PUNTLAND POST

The post Badbaadinta hantidii saarnayd doontii Xafiis oo lagu guuleystay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this