Sign in to follow this  
Deeq A.

Video:-Doonidii Xafiis ee ku Soo caariday Xeebta Bosaaso Oo Maanta Rarkii laga dajiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudo sagaal cisho ah kadib waxaa maanta laga dajiyay rarkii saarnaa Doonidii Xafiid ee ku soo caariday xeebta magaalada Bosaaso, kadib iskutashi kayimid shacabka, Ganacsatada,  iyo dowllada ,in kastoo sida lasheegay  kaalinta dowllada ay aad u hoosaysay .

Gudoomiyaha gudiga bad baadinta doonidan Sheekh Fu,aad xaaji ayaa sheegay in arintan ay ahayd iskuday lagu guulaystay ,isagoo umahadceliyay dhamaan shacabkii, ganacsatadii ,iyo Injineeradii ka qayb qaatay bad baadinta doonta.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka bada Puntland Siciid Maxamed Raagi ,Duqa degmada Bosaaso, iyo Gudoomiyaha Gobolka bari ayaa shacabka iyo ganacsatada uga mahadecliyay is kutashiga ay sameeyeen oo ay ku bad baadiyeen  hantidii saarneed doonidan oo lagu qiyaasay in ay gaaraysay 9 milyan oo doolar .

Hoos ka daawo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this