Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Degaanka Puntland oo magacii laga beddelay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha-1.jpg?resize=768%2C446

Golaha Wasiirada dowladda Puntland ayaa maanta beddelay magacii Wasaaradda Degaanka,Duurjoogta,Daaqa, iyo Dalxiiska,sida ku cad Warsaxaafadeed laga soo saaray Shirkii Khamiislaha ee wasiirada Puntland.

Magaca wasaaradda ayaa loo beddelay,Wasaaradda Degaanka iyo Is-beddelka Cimilada,waxaana qoraalka lagu sheegay in arrintaasi loo sameeyay si wax looga qabto waxyeellada Is-beddelka Cimilada ee degaannada Puntland.

Wasaaradda haatan magaca laga beddelay ayaa u xilsaaran ilaalinta degaanka, iyo xayawaanka duurjoogta ah ee ku nool dhul weynaha Puntland.

PUNTLAND POST

The post Wasaaradda Degaanka Puntland oo magacii laga beddelay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this