Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno u tartamayey Agaasime waaxeeddo oo laga qaaday imtixitaan toos ah (Interview)

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarunta hay’adda  shaqaalaha rayidka ee dawladda Puntland ayaa maanta lagu qaaday imixaan toos ah (Interview)-ga ee loogu tartamayey dhowr boos/jago oo ka bannaan qaybo kamid ah  hay’adaha dawladda ee ka faa’iideysanaya mashruuca tayaynta shaqaalaha dawladda ee Baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland.

Tababarka ayaa waxaa soo xaadiray dhammaan tartaayaashii iyadoo si toos ah loo weydiinayey su’aalo afka ah oo la xiriira aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin arrimaha la xiriira boosaskaan la qaadanayo.

Imtixaankaan afka ah ayaa waxaa qaadayey guddi kala duwan oo loo xilsaaray inay ilaaliyaan bed-qabka imxaanka, bulshadana kalsoonidooda ilaaliyaan isla markaana ay daacad ka ahaadaan habsami usocodka imtixaanka.

Heerka shaqo ee boosaskaana ayaa ah agaami waaxeed, taas oo looga golleeyahay in la dar-dargeliyo hawlaha shaqo ee muhimka ah ee dawladda iyo tayaynta aqoonta shaqaalaha dawladda .

DSC_0012.jpg?resize=600%2C401 DSC_0013.jpg?resize=600%2C401 DSC_0014.jpg?resize=600%2C401 DSC_0018.jpg?resize=600%2C401 DSC_0020.jpg?resize=600%2C401 DSC_0022.jpg?resize=600%2C401 DSC_0024.jpg?resize=600%2C401 DSC_0040.jpg?resize=600%2C401 DSC_0223.jpg?resize=600%2C401 DSC_0225.jpg?resize=600%2C401 DSC_0226.jpg?resize=600%2C401 DSC_0227.jpg?resize=600%2C401 DSC_0228.jpg?resize=600%2C401 DSC_0229.jpg?resize=600%2C401 DSC_0230.jpg?resize=600%2C401

The post Xubno u tartamayey Agaasime waaxeeddo oo laga qaaday imtixitaan toos ah (Interview) appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this