Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo is casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in rai’sul wasaaraha dalka uu gudbiyay iscasilaadiisa.

Hailemariam Desalegn ayaa sidoo kale la sheegay in uu iska casilay gudoomiyanimadii xisbiga haya talada dalkaasi ee People’s Revolutionary Democratic Front.

Ilaa iyo haatan lama sheegin sababta ka dambaysa is casilaadiisa.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay kumannaan kalana waa la xirxiray saddexdii sano ee ay socdeen dibadbaxyadii looga soo horjeeday dowladdiisa.

Xisbiag haya taladda dalka Itoobiya ayaa ku kala qaybsamay qaabka loo wajahayo dibadbaxyada socda.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post

The post Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo is casilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this