Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG-DEG:- Raysalwasaarihii dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo iscasilay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Raysal Wasaarihii dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa iyo sidoo kale hogaamintii xisbigiisa haya talada waddankaas ee EPRDF

Iscasilaada Hailemariam Desalegn ayaa ku soo beegantay xilli uu waddankaasi cagaha kula jiro xiisado siyaasadeed iyo rabshado ka dhacay, kuwaas oo sababay in xabsiyada lagasii daayo kumanaan maxaabiis ah.

Boqolaal dad ah ayaa ku dhintey rabshado ka bilaabmay qorshe horumarineed oo lagu dhisayay caasimadda Addis Ababa.

“Deganaansho la’aanta iyo xiisaha siyaasadeed ayaa sabab u noqday dhimashada dad badan iyo barakaca kuwa kale,” ayuu yidhi, Hailemariam oo khudbad ka jeedinayay talefishinka qaranka dalkiisa.

“…Waxaan u arkaa iscasilaadayda mid muhiim ah si loo sameeyo dib-u-habeyn, nabad waarta iyo dimuqraadiyad, “ayuu hadalkiisa ku daray.

Hailemariam ayaa sheegay inuu xilka sii hayndoono illaa iyo inta xisbigiisa EPRDF iyo baarlamaanka Itoobiya aqbalaan istiqaaladiisa lana magacaabo Raysal Wasaare cusub.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this