Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’isulwasaarahii Itoobiya oo ku dhawaaqay sababta uu xilka isaga casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Ra’isulwasaraanimo ee dalka Itoobiya iyo xilka Guddoomiyaha ee xisbiga talada haya.

Is casilaada Hailemariam Desalegn ayaa ku soo beegantay xilli uu dalka ku jiro xiisad Siyaasadeed kadib markii wadankaan dhaca Geeska Africa ay soo wajahday rabshado keenay in xabsiyada laga sii daayo kumanaan maxaabiis si loo yareeyo xiisadaha.

Boqolaal qof ayaa ku dhimatay rabshado ka dhacay dalkaan, waxayna arrintaan imaaneyssa kadib markii ay dowladda bilowday qorshooyin hormarineed oo lagu dhisayo Caasimadda Adis Ababa, waxaana la aaminsan yahay inay sii xoogeysteen rabshadahaan laga soo bilaabo sanadihii 2015 ilaa 2016 waxaana ka dhalatay mudaaharaadyo, xayiraad Siyaasadeed iyo xad gudubyo ka dhan Xuquuqda aadanaha.

“Xasilooni darada iyo dhibaatooyinka siyaasadeed waxay sababeen dhimashada dadweyne badan iyo barakaca dad aan yareyn,” ayuu yiri Ra’isulwaaraha xilkiisa iska casilay mar uu ka hadlayey TV-ga dowladda.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa is casilaadiisa ku sheegay inay sabab u tahay rabshadaha dalkaas hareeyey, wuxuuna tilmaamay inay is casilaadaan nabad joogta ah ka dhalin karto dalka Itoobiya, wuxuuna yiri

“waxaan is casilaadeyda u arkaa mid dalka ku hogaamin karta nabad joogto ah iyo dimqoraadiyad” .

Hailemariam ayaa sheegay inuu xilka Ra’isulwasaaranimo sii heyn doono inta ay ka aqbalayaan xisbigiisa talada haya ee Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) iyo Baarlamaanka lagana soo magacaabayo mid cusub.

The post Ra’isulwasaarahii Itoobiya oo ku dhawaaqay sababta uu xilka isaga casilay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this