Sign in to follow this  
Deeq A.

Jacob Zuma Oo Xilkii Iska casilay iyo Xisbiga  ANC Oo Soo Dhaweeyay Is casilaadiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii dalka koonfur Afrika  Jacob Zuma, ayaa saaka iska casilay xilkii uu hayay mudo dheer kadib markii uu Zuma cadaadis xoogleh uu kala kulmay xubno badan oo kamid ah xisbigiisa ANC , kuwaas oo maalmahanba waday olole ka dhan ahaa sidii uu xilka uga dagilahaa.

Baarlamaanka  koonfur Afrika ayaa ku balansanaa maanta oo Qamiis ah hadii uusan Jacob Zuma kadagi lahayn  xilka in ay Baarlamaanku uu ka keeni lahayeen mooshin xilka looga xayuubinayo.

 

Madaxweyne kuxigeenka dalka koonfur Afrikac ninka lagu magacaabo Cyril Ramaphosa, ahna hogaamiyaha Xisbiga cusub ee  ANC-da. ayaa lafilayaa in Zuuma uu xilka ku wareejiyo sida uu sharciga dalkaasi uu dhigayo.

 

Jacob Zuma oo ah 75 jir ayaa  koonfur Afrika soo xukumayay tan iyo wixii ka dambeeyay sanadii 2009kii, waxaana soo wajahay caqabado ay kamid yihiin in xukuumadiisa lagu so eedeeyay musuq maasuq ku baahay Ha,adaha dowlada .

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this