Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dhoofinta Dhuxusha oo si xooli ah xiliyada habeenkii uga socota Dekadda Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Warbaahinta Kenya ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ay si xooli ah uga socoto dhoofinta Dhuxusha.

Dhoofinta Dhuxusha ayaa xooligeeda socota labadii asbuuc ee ugu danbeysay, waxaana dhoofinta la sheegay inay iska kaashanayaan maamulka Jubbaland, Kenya iyo Ganacsato ka kala socta labada jiho.

Dhoofinta Dhuxusha ayaa la xaqiijiyay inuu yahay mashruux ay kala saxiixdeen Jubbaland iyo dowlada Kenya, waxaana qaab Ganacsi ah loogu iibgeeyaa dhulka Kenya.

Saxaafada Online-ka ayaa si is xigxiga u baahineysa Muuqaalo iyo sawiro muujinaya dhoofinta dhuxusha oo siweyn uga socta dekedda magaalada Kismaayo.

Dekada magaalada Kismaayo ayaa waxaa sidoo kale lagu arkayaa dhuxul sidii buuraha u sameysan iyo Doomo u dhoofinaya dhinaca Bariga dhexe.

Waxa ay wararku sheegayaan in dhuxushan inteeda badan loo kala dirayo ama loo dhoofinayo dalal kale oo ay ka mid yihiin  Oman, Iran iyo Imaaraadka Carabta.

Dhoofinta xooligeeda ayaa socota xiliyadii habeenkii oo si qarsoodi ah looga dhoofiyo dhuxusha dekedda sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan.

Talaabadaan ayaa u muuqata mid lagu baalmaraayo go’aankii kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo sanado ka hor mamnuucay in Somalia laga dhoofiyo dhuxusha, si loo ilaaliyo nabaad guurka dhirta.

Dhinaca kale, DFS ayaa horay u mamnuucday dhoofinta dhuxusha iyo jarista Dhirta ayaa wali ka hadlin arintan.

HOOS KA DAAWO DHOOFINTA DHUXUSHA

Sawirka la xidhiidha

Sawirka la xidhiidha

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Kismayo on the spot over charcoal trade

A worker takes stock of charcoal sacks at a depository formerly under the control of militants Al Shabaab in Burgabo, south of Kismayu in Somalia

Sawirka la xidhiidha

 

Natiijada sawirka Kismayo on the spot over charcoal trade

Sawirka la xidhiidha

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Kismayo on the spot over charcoal trade

The post Sawirro: Dhoofinta Dhuxusha oo si xooli ah xiliyada habeenkii uga socota Dekadda Kismaayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this